Wararka laga helayo duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Gaari miineysan oo la doonayo in qaraxyo lagu geysto uu galay magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii Barqanimadii saaka qarax ka dhacay barta Siinka dheer ee ciidamada nabadsugidda, halkaasoo gaari miineysan oo la doonayay in Muqdisho la soo geliyo uu ku qarxay.
Ciidamada Nabadsugidda ayaa gaarigaas hubiyay xilliga uu qarxay, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in gaari kale la rumeysan yahay inuu magaalada galay.
Xaaladda ammaanka ayaa la adkeeyay waxaana laga cabsi qabaa in gaarigaasi lagu geysto qarax sida saraakiisha ammaanka ay sheegayaan.
Wadani.com