Ciidamada Milateriga ayaa ka hortegay Gaari Qarax laga soo buuxiyey oo ah nooca NISSAN Homey, Gaarigaas oo la sheegay inay Alshabaab la damacsanaayeen dadka ku nool magaalada Muqdisho.
Gaarigan ayay ciidamadu ku joojiyeen degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho, waxaana dhacday in Darawalkii Gaariga uu si degdeg ah uga degay, kadibna ku baxsaday goofafka halkaasi ku yaalla, isagoo ka cararray goobtaasi, waxaana qaraxay gaariga, iyadoo aan la soo qaban darawalkii baxsaday.
Gaariga oo la qabtay shalay maqribnimadii ayaa ku qarxay Wadadda Laamniga markii muddo saacad ah uu yaallay goobtii lagu qabtay. iyadoo aanay jirin cid waxyeello kasoo gaartay, sida uu sheegay Taliyaha 12-ka Apriil ee Ciidanka Xooga Dalka Generaal Tawane Axmed Maxamed . Taliyaha Hoggaanka howlaha Ciidamada Booliska Axmed Dayid Dhego-caleen ayaa Ciidmada Xoogga Dalka uga mahadceliyay Howlgalka ay uga hortageen gaarigaas ku qarxay deegaanka Xaawa Cabdi.
SAWIRRO




HOOS KA DAAWO