Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa xaalad ka dhalatay Gaari looga shakiyey inuu sido waxyaabaha qarxa oo gudaha u galay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya.
Gaarigan oo la sheegay inuu watay nin la dhashay Marwada u dhaxda Farmaajo ayaa waxaa shakiga keenay markii uu galay Albaabka koowaad ee Madaxtooyada ‘Gate One’, kadib markii ay Eeyaha waxbaara muujiyeen shaki ah in Gaariga uu halis yahay.
Wararka aya asheegaya in mar kale la geeyay Gaariga Eeyo kale oo iyaguna sidoo kale muujiyey in Gaarigu halis yahay, taasoo keentay in goobta uu yaallay Gaariga laga kala cararro, kadibna waxaa waxaa goobta gaaray ciidamada qaraxyada qaabilsan ee Miino-baarayaasha.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa ilaalada Madaxtooyada ayaa joojiyey gelitaanka iyo ka bixida xarunta Madaxtooyada inta laga hubinayo xaaladda amni ee kusoo korortay xarunta Madaxtooyada iyo hubinta Gaariga la shakiyey.
Muddo kadib ayaa la xaqiijiyey in kooxda Miina-baarayaasha ay wax qarax ah ka waayeen Gaariga, shakiga Eeyahana uu keenay Baaruud kasoo ureysay Shaagagga Gaariga oo ahaa Nooca Prado, waxaana markaas kadib caadi kusoo noqday Xarunta Madaxtooyada.