Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in degmada Caabudwaaq lagu qabtay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la sheegay in loo diyaariyey weerar.
Gaarigan ayaa lagu qabtay Kontoroolka laga galo Degmada Caabudwaaq, waxaana maamulka degmada uu sheegay inay wadaan baaritaan dheeraad ah oo lagu ogaanayo xaaladda Gaariga iyo halkii uu ku socday.
Waxaa Gaariga la qabtay la socday dadkii la socday oo iyagana gacanta lagu dhigay. Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Degmada Caabudwaq ayaa la filayaa inay soo bandhigaan Gaariga qarxa siday iyo dadka la socday.