Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Somalia ee NISA, ayaa soo bandhigtay Sawirada Qaraxii maanta ka dhacay degaanka Siinka dheer ee magaalada Muqdisho.
Sawirrada waxaa ka muuqda in gaariga qaraxa geystay uu watay taargada maamulka Somaliland, waxaana socda baaritaan lagu wado gaariga iyo halka lagu soo diyaariyay.
Ninka is miidaamiyay ayay saraakiisha sheegeen inuu haligaha uu ku hadlaayay lahjada dadka kasoo jeeda Somaliland oo uu u muuqday qof aan kala aqoon meesha uu u socdo.
Dadka qaar ayaa is weydiinaya sida gaari aad u burburay ay taargadiisa ku badbaaday iyadoo aanay waxba gaarin.
DAAWO SAWIRRO