Koox aan la garaneyn ayaa maanta xaafad la tirsan magaalada Muqdisho ka afduubatay gabar 6 sano jir ah, iyadoo aan ilaa iminka la ogeyn halka ay ku heystaan.
Kooxdan oo wadatay Gaari ayaa xaafadda Shanta Geed ee degmada Howlwadaag ka afduubatay gabar yar oo 16 sano jir ah oo lagu magacaabo Hibo Maxamed Xasan, iyadoo gaariga ku ka xeysatay.
Kooxdan ayaa muddo kadib gabadhii lasoo hadalsiiyey hooyadeed, waxayna hooyadeed u sheegtay inay meel mugdi ah ku jirto oo dad aan la aqoon ay heystaan, iyadoo intaas kadibna telefoonkii la damiyey.
Shamso Xasan Jaamac oo eedo u ah gabadha la afduubtay ayaa sheegtay inay aad uga naxeen afduubka Hibo Maxamed Xasan Jaamac 16 sano jir ah, isla markaana ay xaafadda ka dhaceen bannaanbax rabshado wata oo markii ay danbe ay ciidamada halkaasi gaareen oo ay sheegeen inay raadinayaan gabdha la afduubtay.
Muddooyinkii danbe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka jiray falal caruurta lagu xadayo, iyadoo afduubka gabdhaha oo la hadal hayey.
