Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay gabar dhalinyaro ah xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho, kadib markii ay murmeen.
Wararka ayaa sheegaya in dilka uu ka dhacay xaafadda Jungal ee degmada Yaaqshiid, Gobolka Banaadir, kadib markii nin bistoolad ku hubeysan oo handadaad kula kacay caruur kubad ku ciyaareysay xaafadaasi.
Gabadha ayaa isku dayday inay kala furdaamiso ninkan hubeysan oo Bistoolad ku qabtay caruurta, kadibna waxaa dhex maray muran keenay inuu rasaas ku furo gabadha oo lagu magacaabi jiray Fardowsa Abuukar Maxamed.
Gabadha ayaa goobtii ku geeriyootay, iyadoo markaas kadib gaareen halkaasi Ciidamada booliska oo baadi goob ku haya ninkii falka dilka ah geystay oo la sheegay inuu baxsaday.
Ninkan dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Bulxan ayaa ka tirsan ciidamada dowladda, wuxuuna u baxsaday degmada Dharkeynley, waxaana socda howlgal lagu raadinayo.