Waxaa Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu dilay gabar dhalinyaro ah, kadib markii Tooreey dhuunta laga geliyay Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magalada Gaalkacyo.
Wararka ayaa sheegay in gabadha oo lagu magacaabi jiray Nimca Cumar Shuuriye oo 22 sano jir ahayd xilliga la weerarray ay kasoo baxday Salaada Taraawiixda, waxaana soo dhaawac culus oo ay u dhimatay markii loo cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo.
Raggii ka danbeeyay falkaasi ayaa baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland, iyadoo loo maleynayo inay falkaasi geysteen koox burcad ah oo ka qowleysata magaalada.
Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka lagu beegsado haweenka iyo gabdhaha, waxaana magaalada ka jira burcad dadka dhacda.