Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya inay geeriyooday gabar ka mida koox Riwaayadaha jila oo baraha bulshada laga yaqaan.
Geerida Gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Aniso C/casiis Siciid ayaa timid markii ay rasaas ka fakatay kooxda dhexdeeda oo Gaari wada saarnaa, waxayna Booliska magaalada Garowe sheegeen inay baaritaan ku bilaabeen geerida gabadhan oo ka mida koox jilayaal Rag iyo Dumar ah oo caan ka ah magaalada Garowe.
Bistoolad uu gacanta ku hayey mid kamid ah dhalinyarada gaariga saarnaa ayaa la sheegay inay haleeshay gabadhan, sidaasina ku ay ku geeriyootay.
Booliska ayaa xiray dhammaan xubnaha kooxdan oo shilkan ka danbeeyay, waxaana arrintan ay naxdin ka abuurtay magaalada Garowe, iyadoo baraha bulshada si weyn loogu faafiyey.
