Gabar kasoo badbaaday afduub loogu geystay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixisay qaabkii ay haweeney Gaari yar wadata iyo nin la socday ay u afduubteen.
Maryan C/kariin Nuur oo 16 sano jir ah waxaa laga qafaashay agagaarka isbitaalka Digfeer, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho xilli ay dooneysay inay Mooto Bajaaj raacdo, waxaana lagu kaxeystay Gaari yar, kadibo markii biyo lagu shubay ayna iskeed u raacday Gaariga, kadibna ay noqotay qof aan caadi ahayn miyir ahaan.
Waxay sheegtay in gaariga lagu afduubtay ay darawal ka ahayd haweeney, isla markaana uu la socday ninka afduubka fulinayey, waxayna ula dhaqaaqeen meel aysan garaneynin, iyadoo safka laga saaray waxyaabo aysan aqoon u lahayn oo kadhigay qof mugdi ku jirta oo aan ogaal badan lahayn oo aysan hadli karin.
Markii ay in muddo ah socdeen ayey sheegtay in mar kastoo ay soo baraarugto uu ninka u adeegsanayey waxyaabo dareenka ka qaadaya oo dhalo ku jiray, waxaana markii danbe ay soo baraarugtay iyadoo Gaarigii uu ciladoobay oo lugo ka banjareen, iyaguna ay gaariga ka degeen, kuna mashquuleen inay telefoono ku hadlaan.

Maryan C/kariim ayaa shegtay inay ka degtay Gaarigii ayna kasoo baxsatay, iyadoo in muddo ah ay isku dayeen inay celiyaan ay la dagaalantay ninkii oo ay Carro indhaha uga shubtay, markii ay in muddo ah socotayna ay heshay Mooto Bajaaj ay soo raacday.
Qoyska gabadhan afduubka ka badbaaday ayaa geeyay isbitaalka Somali Sudanese, halkaasoo baaritaan lagu sameeyay, isla markaana la xaqiijiyey inaysan wax dhibaato ah qabin, waxayna qoyskeeda sheegeen inay cabsi iyo shoog qabto.