Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa Galabta la shaacisey natiijada Imtixaanka Dowladda ee Dugsiyada Sare oo laga qaaday Gobolka Banaadir iyo Afar maamul Goboleed, iyadoo ay kaalinta koowaad kusoo baxday Gabar.
Deeqa Maxamed Cabdulaahi oo dhigata Dugsiga Faanoole ee Degmada Kismaayo ayaa kaalinta Koowaad ka gashay imtixaanka Dowladda ee sanad dugsiyeedka 2022/2023, kaasoo ay u fariisteen 32,501 Arday.
Gabadhan ayaa sameysay taariikh ay kusoo baxday kaalinta koowaad, iyadoo kasoo jeeda maamul Goboleedka Jubbaland.
Ardayda kaalimaha ugu horeeya galay ayaa waxaa ka dhex muuqda sanadkan gabdhihii ugu badnaa, waxayna kala yihiin:
1- Deeqa Maxamed Cabdullaahi oo kaalinta 1-aad gashay
2- Faadumo Cabdullaahi Axmed oo gashay kaalinta 2-aad.
3- Cabdisalaan Saalax Cabdullaahi oo galay kaalinta 3,aad.
3- Muuse Maxamed Xassan Nuur oo galay kaalinta 3,aad.
4- Shamso Xuseen Siraad oo gashay kaalinta 4-aad
5- Cabdullaahi, Muniira iyo Jihaan oo wada galay kaalinta 5-aad.
6- Nasteexo Xassan Maxamed oo gashay kaalinta 6-aad.
7- Maxamed Xuseen Faarax
7- Hanad Cawil Xuseen
7- iyo Ibraahim Maxamed Wardheere ayaa wada galay kaalinta 7aad