Faahfaahin ayaa laga helayaa dil maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kadib markii koox burcad ay saaka xaafada Juungal ku dileengabar dhallinyaro ah oo ka shaqeeneysay mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.
Dilka Gabadhan Kalkaalisada ah ayaa waxaa geystay Burcad la socotay Mooto Bajaaj, iyagoo jidka u galay gabadhan oo lagu magacaabo Naciima Cabdiraxmaan, waxauna ka qaateen Telefoon Mobile ah oo ay diiday inay dhiibto.
Marxuumad Naciima ayaa ka howgeli jirtay Isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho, waxayna dadka ehelka la ah sheegeen in waalidkeed ay keli ku ahayd.
Burcadda falka geystay ayaa la sheegay inay baxsadeen oo aan lagu guuleysan in lasoo qabto. DIlkan ayaa ka mid Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar dadka loogu dilaa sababo micno darro ah sida telfoon laga dhacayo, maalmo kahor ayeyna aheyd markii sidaan oo kale macalin iskuul loogu dilay Muqdisho telfoon dartiis.