Xulka kubadda koleyga gabadhaha Soomaaliya ayaa muddo ka badan saddex maalmood ku xayiran Garoonka diyaaradaha magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Sida ay qortay Saxaafadda dalka Masar xulka Soomaaliya ayaa helin dal kugalka dalka Masar (Visa) oo ay ahayd in loo diyaariyo, taasoo keentay inay ku xayirmaan Garoonka Dubai.
Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Koleyga Masar Majdi Fariikha ayaa arritan kala haday Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isbooriga dalka Masar, iyadoo lasoo weriyay in Soomaaliya ay ka baxday tartanka is reebreebk Qeybta Shanaad ee Kubadda Koleyga Afrika oo Qaahira ka dhacaya kadib xaaladan qabsatay.
Xiriirka kubadda koleyga Masar ayaa xal u raadinaya kulamadii lagu qoray xulka Soomaaliya oo lagu waday inuu Isniintii la ciyaaro xulka gabdhaha Masar. Ciyaaraha is reebreebka Afrika ee Zone 5 oo Qaahira ka dhacaya 12-18 bishan Maarso ayaa Soomaaliya waxaa u metelaya xulka kubadda Koleyga ee Ragga.
Dowladda Soomaaliya iyo xiriirka kubadda koleyga ayaan wax war ah ka soo saarin dhibaatada lagula kacay xulka Soomaaliya ee gabdhaha kubadda koleyga.
Wadani.com