Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Gabdho Soomaali ah oo qaarna la dilay kuwo kalena lagu afduubtay dalka Kenya (Warbixin)

    Gabdho Soomaali ah oo qaarna la dilay kuwo kalena lagu afduubtay dalka Kenya (Warbixin)

    June 18, 2021Updated:June 19, 20213 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa sii koradhaya falalka afduubka iyo dilka ah ee Soomaalida loogu geysanayo dalka Kenya muddooyinkii ugu danbeeyay.

    Dilkii ugu horeeyay ayaa horaantii bishan ka dhacay magaalada Mombasa ee dalka Kenya markii gabar 19 sano jir ahayd oo lagu magacaabi jiray Najma Cabdullahi Macallin la waayey muddo sadex maalmood ah, kadibna dhaawac lagu helay, markii danbena isbitaalka ku geeriyootay.

    Alaha u naxriistee, Najma Cabdullahi Macallin waxay ka mid ahayd ardaydii sannadkan ka baxday dugsiyada sare, waxaana meydkeeda oo ay ka muuqdeen dhaawacyo, laga helay deegaanka Bonje ee magaalada xeebeedka Mombasa ee Kenya.

    Booliska ayaa qabtay haweeney lagu magacaabo Faa’isa Cali Xasan ku eedeeyean dilka Najma oo markii ugu danbeysay ay wada socdeen intii aa la waayin, waxaana kiiskaasi ku socda baaritaan.

    Dhacdadii labaad ayaa ahayd markii xaafada Islii laga afduubtay laba Haween oo Soomaali ah, kadibna Muuqaal argagax leh oo lagu bahiyay baraha bulshada, kaasoo oo ay ka soo muuqatay mid ka mida haweenkaas oo sheegtay in kooxda haysata ay doonayaan $50-kun oo dollar oo madax-furasho ah.

    Warbaahinta Kenya ayaa qortay in muuqaal ay duubtay kaamerada amniga, ay ka muuqdaan labada gabdhood oo xilli galab ah sii galayay dukaanka Xafsa oo Kabaha lagu iibiyo, kuna yaalla xaafadda Islii. Ka dib waxay isu raaceen xaafadda Kayole oo ah meeshii ugu war dambeysay.

    Kiiskii ugu anbeeyay wuxuu soo baxay maanta markii la waayey Xafsa Cabdi Axmed oo ahayd gabar ka ganacsata khudaarta ka soo go’da beer ay iyada leedahay oo ku taalla deegaanka Bura oo ka tirsan Tana River, Gobolka Xeebta ee Kenya.

    Hooyada gabadhan oo lagu magacaabo Shiindheys Sheekh Nuur ayaa Universal Somali TV u sheegtay: “Gabadheyda waxay ka shaqeyneysay beer Bura ku taalla. Aniga in ay qaraha ku maqantahay baan ogaa, waxaana maqlay in gabadha Nairobi lagu afduubtay. Waa la ii keenay sawirkeeda.”

    Iyadoo oyneysa ayey tiri: “Qofkii i garanayo oo gabadhaas meel ku arka – waa la raadinaayaa oo dowladda way mahadsan tahay, garab bay i siisay – Muslim iyo gaalbo, qofkii arka ha ii keeno . Meyd iyo nolol, wixii lagu hayaba hala ii keeno gabadheyda, ha la ii keeno”, ayeyna tiri.

    Xafsa Cabdi waxay dhiganeysay Jaamacad, waxayna ahayd qof isku filan oo shaqeysata. Waxaa la aaminsan yahay in lala afduubtay gabadh kale oo lagu magacaabo Xafsa Luqmaan.

    Ilaa shan haween ah ayaa ku maqan magaalada Nairobi oo qaarkood afduub loo heysto, qaar kalena loo maleynayo in la dilay, iyadoo ay socdaan dadaallo kala duwan oo lagu raadinayo haweenkaasi Soomaalida ah.

    Afduub Dil Kenya Nairobi Somali Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTaageerayaasha Farmaajo oo si weyn uga carooday tallaabo uu qaaday Madaxweynaha Galmudug
    Next Article Iiraan oo dooratay Madaxweyne cusub iyo Taariikhdiisa oo kooban

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo