Shirkadda Samsung ee qalabka elektronics-ka ku caan baxday ayaa joojisay iibka telefoonka cusub ee caaqilka ah nooca Galaxy Note 7 kadib cilad ku soo baxday.
Dhibaatada telefoonka cusub ee dhowaan lasoo bandhigay qabsatay ayaa la sheegay inay ka timid Batariga gacan-qaadka, waxaana shirkadda ay go’aankan qaadatay kadib markii laga soo weriyey dalalka Mareykanka iyo Koonfur Kuuriya in marka telefoonka la kaarikeeyo uu qarxayo.
Gacanqaadka cusub ee Galaxy Note 7 ayaa la soo saaray uun 19-kii August ee sanadkan wuxuuna suuqa ku jiraa oo kaliya in ka yar muddo laba toddobaad ah.
Shirkadda SAMSUNG ee Koonfurta Kuuriya laga leeyahay ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in laba toddobaad ay ku qaadan doonto dib u habeynta telefoonka Galaxy Note 7.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo toddobaad qura ay ka hartay xilliga la filayo in shirkadda weyn ee tartanku kala dhaxeeyo Apple ay soo bandhigto telkeeda cusub ee iPhone 7.
Wadani.com