Maamulka Galmudug ayaa soo jeediyay qaab yaab leh in lagu saleeyo Doorashada lagu wado inay dalka ka dhacdo 2016-da. Shir laba maalmood ka socday magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Galmudug ayaa lagu soo gabagabeeyay in doorashada ay ku dhacdo qaabka 4.5.
Qaabkan 4.5 oo dad badan ka horjeedaan isla markaana ku doodayaan in laga gudbo ayaa taageero ka helay maamulka Galmudug, waxaa sidoo kale maamulka kale ee Koonfur Galbeed shirkii ka dhacay magaalada Baydhaba isagana kasoo baxay talo ah in doorashada 2016 lagu saleeyo qaabka 4.5 ee qabiilka ku saleysan.
Wasiirka warfaafinta GALMUDUG Maxamuud Aadan Cusmaan (Mesagawaay) ayaa sheegay in maamulka uu qaadan doono talooyinkii ay soo jeediyeen shacabka oo ah in la qaato nidaamka 4.5, taasina ay u gudbin doonaan dowladda federaalka.
Madaxda labada maamul ayaa ku doodaya in nidaam kasta oo aan ahayn 4.5 u baahan yahay waqti dheeraad ah iyo heshiis lagu gaaro arrimaha muhiimka ah ee ku xeeran, iyadoo taas la’aanteed aanay dhici karin in doorasho loo qabto qaababka degmooyinka iyo goboladda ama degaanka sida ay ku doodayaan.
Dhinaca kale shirarkii ka dhacay maamulada Puntland iyo Jubba( Garowe iyo Kismaayo) ayaa iyagana laga soo saaray talooyin ah in qaabka doorashada lagu saleeyo degmooyinka, tani oo muujineysa in laba dhinac loogu kala qeybsan yahay.
Wadani.com