Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Galmudug Ma waxay ku heshiisay ineysan Heshiin..? (Maqaal muhiim ah).

    Galmudug Ma waxay ku heshiisay ineysan Heshiin..? (Maqaal muhiim ah).

    October 7, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xiisadda Siyaasadeed ee kasoo korortay Maamul goboleedka Galmudug bilihii lasoo dhaafay, waxay salka ku haysaa ismaan-dhaaf siyaasadeed iyo herdan ka jira maamulka curdinka ee u baahan xasillooni Siyaasadeed.

    Sida ay qirayaan khubaro badan oo kor joogto ka ah xiisadda Siyaasadeed eek a aloosan maamulkaas, waxaa isku haya talada maamulkaas tan iyo markii la asaasay ururka Damujadiid iyo Xisbiga Daljir oo labadooduba xusul-duub ugu jira sidii ay u maamuli lahaayeen Galmudug.

    Sababaha ugu waaweyn ee dhalin karta isku qabsashadaas ayaa ah, labada kooxood waa Damujadiid iyo Daljir oo raba inay gacanta ku dhigaan Galmudug si ay siyaasadda dowladda federaalka ugu carqaladeeyaan. sidoo kalena ay ka dhigtaan Gole Siyaasadeed oo ay soo marsiin karaan rabitaankooda.

    Markii la doortay Madaxweyne Xaaf, maamulka Galmudug wuxuu noqday mid fadhiid ah oo dhaafi waayey Cadaado, sidoo kalena la heshiin kari waayey Ahlu Suna Wal Jamaaca (ASWJ). Kadib markii Maamulkii Madaxweyne Xaaf ka talin jiray ka tanaasuli waayey waxyaabo badan oo dan ugu jirto midnimada Galmudug iyo xasilloonideeda, sidaas darteedna uu ku burburay wadahadalladii u dhexeeyey Maamulka Galmudug iyo ASWJ.

    Xiisadda ka aloosan Galmudug, kama dhalan go’aankii maamulkaasi ku qaadacay Siyaasadda arrimaha dibedda dalka ay ka qaateen Xiisadda ka taagan Khaliiijka, balse waxaa jiray fashil weyn oo muddo soosocday kaasoo ahaa in Madaxweynihii Xaaf ku guuldarraystay inuu u dhaqaajiyo Galmudug waddada horumarka iyo Nabadda. Taas beddelkeeda waa isteerinka Siyaasadda Galmudug hayey koox ka hoos samaysmay mudane Xaaf oo aan waxba u uturayn , qadarin iyo kala dambaynna kula dhaqmin hayadaha iyo laamaha kala duwan ee maamulka.

    Baarlamaanka Galmudug wuxuu dhawr mar ka codsaday Madaxweyne Xaaf, inuu waxbadan ka fiirsado marka uu wax magacaabayo si saamiga siyaasadeed loo dheeli tiro, balse taas kama soo bixin waxayna ka muuqatay golihii wasiirada uusoo dhisay isagoo lasoo daahay. Sidoo kale ciidamada Galmudug ma helin mushahar joogto ah iyo daryeel midna, dhammaan dhaqaalaha DFS ugu talo gashay ciidamadaas iyo maamulkaasba waa la musuqmaasuqay.

    Sababahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa ku kalliftay Baarlamaanka Galmudug inay ka gaabsadaan la shaqeynta Madaxweynaha Galmudug Xaaf, iyadoo taasi jirto ayuu mudane Xaaf ku xadgudbay dastuurka Soomaaliya qodobkiisa __ kaasoo ka hadlayey in Siyaasadda arrimaha dibedda dalka ay masuul ka tahay DFS oo keliya. Wuxuu caddeeyey Mudane Xaaf in uu Imaaraatka Carabta Keligiis tegey uuna qaraab-doontay, sida uu u sheegay VOA qeybteeda Afsoomaaliga.

    Sumcad xumo ayey usoo jeedday Galmudug hadalkaas iyo dhaqankaas aan hore loogu arag madaxda Maamul Goboleedada, taasina waxay kicisay kacdoon xildhibaanno oo xilkii ka qaaday Madaxweyne Xaaf. Waxaa taas xigtay in iyana ay xilkii waayeen Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha Baarlamaanka.

    Xildhibaanno iyo Senataro kasoo jeeda Galmudug oo ka kala tirsan Damujadiid iyo Daljir ayaa durbadiiba u kala dhuuntay Galmudug, si ay uga fushadaan danahooda Siyaasadeed oo ahaa in ay kusoo baxaan kursiga Madaxweynaha Galmudug.

    Loolan adag ayaa bilowday, kadib markii Maxkamadda Sare ee Maamulkaas xaqiijiisay in ay sharci tahay in madaxda maamulkaas ay waayeen xilkii si waafaqsan sharciga u degsan Galmudug. Waxaa loolankaas oo ilaa iminka cadaado ka socda sheegayaa in Damujadiid iyo Daljir u arkaan ay xilka ku hayaan si sharci darro ah mudane Xaaf oo xildhibaanadii lasoo doortay ka qaadeen xilkii.

    Khilaafka ka taagan Galmudug iyo heshiis la,aanta siyaasiyiintaas waxay sii durkinaysaa xaaladda Siyaasadeed ee Maamulkaas. Mudane Xaaf iyo Madaxdii kale ee xilka laga qaaday waxaa u fiican in ay u damqadaan maamulka curdinka ah oo loo daayo rabitaanka Shacabka oo ay metelayaan xildhibaanada Galmudug.

    Haddaba dad wax falanqeeya waxay arkaan, in Xaaf iyo madaxdii kale oo xilkooda laga wada qaadayba ay banneeyaan , si Galmudug waa cusub ugu beryo oo dad la jecelyahay oo deegaankooda ka shaqeeya ay u yimaadaan, maadaama ay hawl culus u taalo hoggaanka cusub ee Galmudug imaan doona.

    Ilaa hadda waxaa jira musharaxiin ay wataan shacabka Galmudug, iyagoo kasoo horjeensaday ururada iyo Xisbiyada musharaxiinta ay wataan, iyagoo aaminsan in ay maslxaddooda ka shaqeyn doonaam tan Galmudugna la ilaawi doono bilaha ugu horreeya.

    Haddaba waxaa maslaxadda Shacabka iyo Maamulka Galmudugba ugu jirtaa in dhammaan khilaafaadka oo dhan la dhaafiyo, oo madax cusub oo isfahansan aayaha Galmudug xambaarsanna ay yimaadaan, si looga shaqeeyo danaha Galmudug ee waxbarasho, dhaqaale iyo amnigaba leh.

    W/D: Cabdiraxmaan Xusee Ibraahim
    [email protected]

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMacalimiinta Jaamacadda Umadda oo shaqo joojin ku dhaqaaqay [Dhageyso sababta]
    Next Article Imaaraadka Carabta oo casuumaad u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo & Qorshaha cusub

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo