Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Galmudug oo cudurdaar ka dalbatay Hadalladii Basmo Caamir. “Ciyaartoyda Turkiga loo ballan qaaday Cadaado ayey..”

    Galmudug oo cudurdaar ka dalbatay Hadalladii Basmo Caamir. “Ciyaartoyda Turkiga loo ballan qaaday Cadaado ayey..”

    January 1, 2021Updated:January 1, 20212 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxda iyo Taageerayaasha maamulka Galmduug ayaa ka xumaaday hadallo kasoo yeeray Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Basmo Caamir Axmed oo ku saabsan guushii Gobolka Banadir ay ka gaareen xulka Galmudug, kuna qaadeen Koobkii Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

    Kadib ciyaartii Khamiistii ee Guushu ku raacday Xulka Gobolka Banaadir ayaa khudbad taageero ah oo ay jeedisay Basmo Caamir waxaa ka mid ahaa: “Ciyaartoyda banaadir waxbka looma ballan qaadin.. waxay ku shaqeeyaan si is-xilqaan ah… dalka ayey leeyihiin Magacaas, caasimadda iyo calanka ayey ilaalinayeen… Ciyaartoyda loo ballan qaaday Turkiga Cadaado ayey ku noqonayaan hadda… ayaga laakiin magaalada Muqdisho laakin 17-kedaa degmo ayeuy ku dalxiisayaan.. dal aan dalkaaga ahayn waa dareen ku joog..”

    Arrintan ayaa ka careysiiyay taageerayaasha iyo dadka Galmudug kasoo jeeda oo jawaabo qalafsan baraha bulshada ugu diray Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada Basmo Caasmir, waxayna xaaladu gaartay in Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu cudurdaar iyo raaligelin ka dalbado.

    Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraalkiis ku yiri: “Hadalka gabadhan Guddoomiye Kxg ka ah Gobolka Banaadir Waa mid gef ah oo u muuqda in uu liddi ku yahay ujeedadii tartanka cayaaraha loo qabtey oo ah isdhexgal Bulsho iyo walaaltinimo, iyo in 90-ka daqiiqo ee cayaartu socoto loo daayo hadalada taageerada ah ee aan xanafta laheyn. Gobolka Banaadir reer Galmudug cidna kama xigsan karto, xaafadaha ay sheegtey in badan oo ka mid ah waxaa deggan dad ka soo jeeda Galmudug. cayaartoyda Galmudugna meesha ay tagayaan ama ay joogayaan ayaga ayaa xor u ah oo ma ahan mid ayada ay go’aankeeda leedahay ama wax laga weydiinayo. Anigoo ixtiraamaya Maamo Basmo, haddana waa in ay si lagu qanci karo oo u dhiganta qaabkii hadalada gefka ah ay u tiri uga cudurdaarataa hadalkeedan.!.”

    Basmo Caamir Fiqi G/Banaadir Galmudug Koobka maamul goboleedyada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Qodobka ‘Awoodda Baarlamaanka’ ee lagu dhex qariyey Ansixintii Heshiiskii Doorashada 2020/2021
    Next Article Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo oo lagu dilay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo