Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka hor yimid tallaabadii ay xalay ciidamada dowladda Somalia ee Danab iyo NISA kula wareegeen xarunta Madaxtooyada magaalada Cadaado.
Sida lagu sheegay War ka soo baxay maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay Dhuusamreeb ayaa lagu sheegay in weerarkii ay ciidamada Danab iyo NISA kula wareegeen Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado ay ahayd mid lagu abuuray khalkhal siyaasadeed iyo amni darro.
Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Aaadan oo ka hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dowladda Somalia ay dhibaaato ka wado Galmudug, wuxuua shaaciyey amar ka soo baxay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug ku amray inay u diyaar garoobaan ka hortagga faragelinta Dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Cadaado C/llaahi C/raxmaan oo isna ka hadlay magaalada Cadaado ayaa isna sheegay in maamulka degmada Cadaado ay dalbadeen ciidamada la wareegay Madaxtooyada Cadaado, wuxuuna difaacay tallaabadaasi ciidamada dowladda.