Ciidamada AMISOM ayaa si rasmi ah loo shaaciyay in la geynayo degaanada Galmudug si ay u ilaaliyaan nabadgelyada goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xasshi Cabdi (Carrabey) oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado kadib markii uu ka qeyb galay Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho ayaa sheegay maanta in Magaalada Cadaado la geynayo ciidamo ka socda AMISOM oo sugaya ammaanka doorashooyinka.
Wuxuu caddeeyay in ciidamada AMISOM ay sugayaan ammaanka goobaha iyo ergooyinka Doorashada. Ma sheegin madaxweyne ku xigeenka ciidamada tegi doona Cadaado dalka ay kasoo jeedaan, waxaase la filayaa inay noqdaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Galgaduud oo horeba u tegay magaaladaasi xilligii la dhisayay maamulka Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay ilaa 7 meelood ay ka dhici doonto doorashada dalka oo dhan, goobahaas oo ciidamada AMISOM ka howlgeli doonaan.
Xubnaha lagu soo dooranayo degaanada Galmudug ayaa gaaraya 36 xildhibaan oo ka mida xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka iyo 8 xildhibaan oo Aqalka sare ah.
DHAGEYSO MADAXWEYNE KU XIGEENKA GALMUDUG
Wadani.com