Guddiga Doorashooyinka Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay Xilliga Doorashada Saddex kursi oo ka mida kuraasta la filayo in si adag loogu tartamo oo Doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada Gaalkacyo.
Saddexdan kursi ayaa lagu dooranayaa Magaalada Gaalkacyo 12-ka bisham Maarso 2020, la qaban doono, waxaana ku tartamaya musharixiin adag, iyadoo maamulka Galmudug lagu cadaadiyey inuu furo kuraastaasi.
Saddexda Kursi ayaa kala ah:
1- Kursiga HOP038: waxaa hore ugu fadhiyay Axmed Macalin Fiqi Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug ee xilka iska casilay, waxaana mar la sheegay in loo xiray Axmed Ducaale Geelle -madaxweynihii hore ee Galmudug.
2- Kursiga HOP069: Waxaa hore ugu fadhiyey Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo tartan adag la gelaya Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala. Kursigan ayaa ka mida kuwa ugu adag ee Gaalkacyo lagu dooranayo.
3- Kursiga HOP095: Waxaa hore ugu fadhiyey Wasiir kuxigeenkii hore ee Xanaanada Xoolaha,Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac) oo taageero ka heysta kooxda Farmaajo, balse wajahaya tartan.
Maamulka Galmudug ee Axmed Qoorqoor ayaa beelaha qaarkood waxaa kasoo wajahay cadaadis ku saabsan inuu furo kuraastooda, taasoo keentay in doorashadii ugu horeysay ee daah furan lagu qabto magaalada Gaalkacyo, taasoo looga adkaaday ex. Xildhibaan Ubax Tahliil oo ka mida taageerayaasha Farmaajo.
