Wasiirka warfaafinta dawlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aaden Cusmaan (Mesagowaay) ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Cadaado wuxuu faahfaahin ka bixiyay in dagaalladii ay la galeen Alshabaab iyo qasaaraha ay gaarsiiyeen Alshabaab.
Wuxuu sheegay inay Alsahbaab ka dileen ilaa 80, isla markaana laga qabtay maxaabiis dhan 63 oo lix ka mida ay dhaawac yihiin. Wuxuu intaas ku daray Wasiir Mesagowaay in dagaalada ay ka dhaceen degaanada Galhagiig, Dinooda iyo Tawfiiq ee bariga Gobolka Mudug .
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in ciidamada Galmudug ay xalay qabteen Doon ay wateen horjoogayaal ka tirsan Al-shaab oo baxsad ahaa oo gaaraya 3 ruux iyo naaquudihii doonta watay.
DHAGEYSO WARBIXINTA WASIIRKA WARFAAFINTA GALMUDUG