Guddiga Doorashada Galmudug ayaa Xili danbe shaaciyay Guddiga xulista ergada saddex kursi oo ka mida kuwa yaalla magaalada Gaalkacyo.
Kuraasta oo ay ku adag oo kala ah: HOP038, HOP095 iyo HOP069 ayaa la kordhiyey tirada odayaasha iyo xubnaha Bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa xildhibaannada ku tartamaya kuraastaasi.
Kuraasta lagu qoray tirada ugu badan ee odayaasha soo xulaya ergada waxaa ka mida HOP095 oo 5 Oday iyo laba xubnood oo bulshada rayidka ah lagu qoray, kuraasta kale ee HOP069 iyo HOP038 lagu kordhiyey min hal Nabaddoomn.
Arrintan ayaa la sheegay inay ka dhalatay khilaaf ka yimid jufooyinka leh kuraasta oo mid kasta ay dooneysay in nabaddoonkeeda uu qeyb ka noqdo soo xulista ergada Doorashada.
HOP038: Waxaa hore ugu fadhiyey Axmed Macalin Fiq oo ka haray tartanka Doorashada (Halkan ka Akhriso.
HOP069: Waxaa hore ugu fadhiyay xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo tartan ku wajahaya wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-cadaalla.
HOP095: Waxaa hore ugu fadhiyey C/karim Khaliif Abdi Dhalac oo tartan adag wajahaya inuu dib u soo laabto.

