Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Galmudug»Galmudug oo taageero Hub & Gaadiid Milateri ka heshay Puntland, kadib markii uu Farmaajo ka hor istaagay

    Galmudug oo taageero Hub & Gaadiid Milateri ka heshay Puntland, kadib markii uu Farmaajo ka hor istaagay

    August 29, 2021Updated:August 29, 20212 Mins Read Galmudug
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowlad Goboleedka Puntland ayaa taageero milateri oo isugu jirta Hub iyo Gaadiid ku wareejiyay Galmudug, taasoo ka danbeysay markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo ka hor istaagay codsi taageero milateri ah.

    Puntland ayaa 8-Gaari oo kuwa dagaalka ah oo qoryo saaran yihiin, Gaari Ambulance ah iyo Booyad maanta ku wareejisay Galmudug, kadib kulan amni oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga Galmudug iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

    Farmaajo ayaa dhowaan diiday taageero gaadiid iyo hub uu siiyo Galmudug markii uu codsi taagero hordhacay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, kadib dadgaal qaraar oo degaanka Camaara ku dhex maray Alshabaab iyo ciidamada Galmudug oo gaadiid, hub iyo sanad looga qabsaday Galmudug (Halkan ka akhriso).

    Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland C/ladiif Muuse Sanyare ayaa sheegay in Walaalahood Galmudug ay ku wareejiyeeny Gaadiid Isugu jira kuwa Dagaalka, Gaariga Caafimaadka, Booyad iyo Hub kuwaas oo ay ugu talo galeenin ay qeyb ka noqdaan Dagaalka lagula Jiro Kooxda Argagixisada ee Alshabaab oo looga xoraynayo Deegaanada Koonfurta Gobolka Mudug.

    “Dowladda Puntland iyo Shacabkeeduba waxay markasta diyaar uyihiin qayb ka noqoshada Dagaalka Argagixisada iyo Taageerada Walaalahood Galmudug si niyadsami leh, insha allaah waana ka guulaysan doonaa Argagixisada wayna soodhamaatay wakhtigii ay Shacabka iyo Degmooyinka Soomaaliyeed u afduubnaan jireen” ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.

    Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dhinaciisa sheegay inay maantay la wareegeen gaadiid iyo saanad ciidan oo qeyb ka noqon doona hawlgalka ka dhanka ah argagixisada Shabaab ee duulaanka ku soo qaaday qeybo ka mid ah Galmudug.

    “Waxay labada maamul iyo shacabkooduba ee PUNTLAND iyo GALMUDUG ay u midoobeen dagaalka lagula jiro argagixisada iyo in dhiigga la isku darsado, ayadoo lagu salaynayo wadahadalkii todobaadkii tagey ay magaalada Muqdisho ku yeesheen labada hogaamiye ee Galmudug iyo Puntland” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

    Wuxuu Mahadcelin gaar ah u jeediyey madaxweynaha Puntland Md. Siciid C/laahi Deni iyo mas’uuliyiinta kale ee Galmudug u muujiyey garab istaagga iyo iskaashiga dhinac walba leh.

    May be an image of standing, road and sky
    May be an image of 1 person, standing and outdoors
    Galmudug Hub Puntland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWAR CUSUB: Mareykanka oo duqeeyay Gaari uu waday Is-miidaamiye ku socday Garoonka Kaabul
    Next Article Midowga Musharixiinta oo weli ku dhegan Maxamed Farmaajo, Eedeyn cusubna u jeediyey

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo