Maamulka Galmudug ayaa warkii ugu horeeyay kasoo saaray dhacdadii lagu laayey 9 qof rayid ah, kuwaasoo si heyb ah looga soo ururiyey Koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Xersi Yuusuf Baere iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Galmudug Col .Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb ayaa goor dhoweyd tegay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo ay yaallaan meydadka dadkii xalay lagu laayey magaaladaasi.
Iyagoo Warbahinta la hadlay ayey sheegay inay aad ugu xun yihiin falkii dil-wadareedka ahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Taliye ku xigeenka Booliska Galmudug ayaa sheegay in ku raadjoogaan kooxdii ka dambeysay dilka 9-ka qof iyo sarkaalkii Cali Dhiif oo ka tirsana ciidamada Nabaddsugidda Galmudug ee isna lagu dilay magaalada.
Maamulka Galmudug ayaa laga dalbaday inay cadaaladda horkeenaan dadkii ka danbeeyay xasuuqa dadka rayidka ah ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.