Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed, gacan saarna la leh urur diimeedyada dalka aya dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay sii deyso Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Isagoo wareysi siiyay mid ka mida idaacadaha Muqdisho ayuu Xaaji Abuukar oo aan muddo dheer la maqlin warkiisa wuxuu uga hadlay xaaladda dalka iyoiyo Go’aankii Mareykanka ee Trump uu Magaalada Barakeysan ee Quddus ugu aqoonsaday Caasiimadda Yuhuuda.
Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa ugu dambeyn codsaday in lasii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Xabsi Guri ku jira tan iyo Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada ay yihiin kuwo laga maamulo Itoobiya isla markaana ay fikirkeeda ku Shaqeeyaan sida uu hadalka u dhigay.
DHAGEYSO WAREYSIGA