Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay suuqa weyn ee magaalada ku khaahirijeen nin ganacsade ahaa.
Kooxdan oo bistoolado ku hubeysneyd ayaa Suuqa Bakaaraha toogasho ku dishay Ganacsade caan ka ahaa suuqaasi oo magaciisa lagu gaabiyay Tannas, waxana dilku ka dhacay meel u dhow Daarta Cali Dheere oo ah goob dad badan buux dhaafiyeen.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta baxsaday, waxaana halkaasi ka dhacay kala firxad iyo cabsi weyn oo dadkii ganacsanayay ay kala carareen.
Ganacsadaha oo suuqa caan ka ahaa ayaa warar aaan la xaqiijin sheegeen inuu ka mid ahaa ergadii doorashada ee soo dooratay Baarlamaanka.
Dilalka iyo qaraxyada ayaa si weyn u sii kordhay magaalada Muqdisho tan iyo intii uu xilka qabtay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaamo.
Wadani.com