Dilka khaarjijin ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, markii dabley hubeysan ay toogteen nin ganacsade ahaa oo ku sugnaa suuqa ugu weyn caasimadda.
Dlka ayaa ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana ninka la dilay lagu magacaabi jiray Nuur Kheyre oo la sheegay inuu ka tirsanaa maamulka shirkadda Ganacsiga ee Someat.
Laba dabley ah ayaa toogasho ku dilay ninkan oo wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhibaannada baarlamaanka dowladda Federaalka ee lagu soo doortay Galmudug, waxaana isla markiiba dilkiisa sheegtay kooxda Alshabaab.
Alshabaab ayaa sheegtay in Nuur Kheyre uu ka qeyb qaatay soo xulidda xildhibaannada Dowladda, sida ay baahisay warbaahinta Alsahbaab.
Goobta lagu dilay marxuum Nuur Kheyre waxaa gaaray ciidamada Amniga ee Booliska, iyadoo aan ku guuleysan inay soo qabtaan kooxdii dilka geysatay.