Ganacsade Maxamed Mire Maxamed oo Dowladda Mareykanka ay ku dartay Liiska shaqsiyaad taageero siiya Ururka Daacish, laguna soo rogay xayiraad ka hadlay tallabada Mareykanku qaaday.
Ganacsade Maxamed Mire oo leh shirkadda Al-Mutawafaq oo ka howl gasha degaanada Puntland ayaa sheegay in eedeeynta Mareykanku u jeediyey ay tahay mid aan waxba ka jirin, isaguna aanu wax xiriir ah la lahayn Daacish.
Wareysi uu siiyey VOA-da ayuu sheegay in eedeeymaha loo jeediyay isaga iyo shirkadiisa ay yihiin been aan raad laheyn, isagoo meesha ka saaray inuu wax aqoon ah u leeyahay Cabdiqaadir Cali Muumin oo ah Madaxa Daacishta Soomaaliya ama kooxdaasi saldhigeedu yahay Gobolka Bari.
Maxamed Mire Maxamed oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ah ayaa waxa uu daganyahay Magaalada Abuu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
DHAGEYSO