Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in qof Soomaali ah oo noqonaya kii ugu horeeyay uu magaalada ugu geeriyooday Cudurka Covid-19.
Qofka Soomaaliga ah ee cudurka Covid-19 ugu dhintay magaalada Nairobi, ayaa ka mid ahaa ganacsatada xaafadda Eastleigh, wuxuuna ahaa nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Sheekh (Dhegaweyne), sida laga soo xigtay Guddiga Ganacsatada Soomaalida, kasoo la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi, kadibna uu halkaasi ku geeriyooday.
Dalka Kenya ayaa waxaa cudurka Coronavirus qaba ilaa 198 qof, waxaana u dhintay 8 qof, wuxuuna ka mid yahay dalalka ugu badan ee cudurku aafeeyay Bariga Afrika.