Ganacsade Soomaali aha oo nolosha lagu gubay ayaa ku geeriyooday dalka Koonfur Afrika.
Dhacdadan xanuunka leh ayaa waxaa geystay koox la rumeysan yahay in ay ahaayeen burcad u dhashey Koonfur Afrika ay nolosha ku gubeen nin dhalinyaro ah oo ganacsade ah kana soo jeeda dalka Soomaaliya.
Ganacsadaha ayaa lagu gubay gobolka Kuwa zulu natal ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Jaliil Cali Xuseen waxa uu kamid ahaa ganacsatada yar yar, waxaana uu u geeriyoiday dhaawicii kla soo gaarey dabka oo ahaa mid aad u culus.
Allaha u naxariistee Ganacsade Axmed ayaa noqonaya Soomaaligii saddexaad ee bishan gudaheeda Koonfur Afrika lagu gubo iyadoo tirada dhimashada guud ee soomaalida lagu dilay koonfur afrika Sanadkan 8 bilood keliya laga qaatey ay kor u dhaafeeyso 30 Soomaali ah.