Kalluumaysatada magaalada Kismaayo ayaa markii ugu horeysay billaabay inay dhoofiyaan kalluunka ay ka soo jillaabtaan xeebaha magaalada kaddib markii koox ganacsato ah oo gacan ka helaysa hay’ado samafal ay ka hirgaliyeen meel aan sidaa uga fogeyn xeebta warshad lagu diyaariyo kalluunka ka hor inta aan dibadda loo qaadin.
Bishii Maarso ee sanadkan ayay kalluunkii ugu horeeyay u iibgeeyeen magaalada Mombasa ee waddanka Kenya, kaasoo gaarayay illaa 47 tan, waxana dekadda Kismaayo ka qaaday markab yar. Sidoo kale waxay kalluunka oo diyaarsan u qaadaan magaalooyinka kale ee Soomaaliya oo ay ku jirto caasimadda Muqdisho.
kalluumaysatada waxay saacado badan ku jiraan badda si ay kalluun badan u soo jilaabtaan. Marka ay yimaadaan xeebta, waxay billaabaan inay doonta ka dajiyaan kalluunka si ay ugu wareejiyaan warshad yar oo laga hiragaliyay magaalada dabaddana loo dhoofiyo.
Noocyada kalluunka ee ay soo jillaabtaan waxa ka mid ah kalluunka qaaliga ah ee loo yaqaanno King Fish ama tarraaqad iyo nooca kale ee tuunaha.

Kalluumaysatada ayaa ku faraxsan inay helaan qoboojiyayaal iyo warshad kalluunkooda lagu hayo waqti badan si fursad loogu helo in meela fogfog loo iibgeeyo.
Mustaf Cabdillahi Maxamad waxa uu ka mid yahay kalluumaysatada magaalada Kismaayo, waxa uuna sheegay in markii hore ay dhib badan ku qabeen inaanay heli karin qaboojiyeyaal iyo warshad lagu diyaariyo kalluunka, taasina ay sababi jirtay khasaare badan.
“kalluunka awal hore waxan usoo saari jirnay, bada ayaan ka soo saari jirnay waxaan keeni jirnay suuqa, suuqa markaan keenno waxa dhici jirtay marka ay badu saa’id u furanto inaan meelaan ku kaydsano oon dhigno oo kaluunka hayso inaan wayno”
Waqtiyadii hore kalluun badan ayaa ka halaabi jiray sababo la xiriira inaanay heli karin goobo ay ku keydiyaan. Heerka qabowga ee kallunkan hadda lagu kaydiyo warshadan ayaa gaaraya -40.

Ganacsatada warshadan yar ayaa sheegaya in si wayn looga soo dhaweeyay suuqyada Mombasa ee kalluunka ay u iibgeeyeen. Cabdiraxman Faarax Guuled oo ka mid ah ganacsatadaasi ayaa waxa uu yiri “Kaah fishing waa meel kalluunka lagu diyaariyo oo aad nadaafaddeeda iyo qaabka loo diyaarinayaba uu u wanaagsan yahay oo dhalinyaro xirfad leh ka shaqaynayaan.
Mombaasa markii aan geynay maba la aaminsanayn sidaas, inaan sidaa wax u diyaarin karno ama u hagaajin karno lama aaminsanayn kan aan anagu diyaarinayna waa kii ugu horeeyay markii aan geynayna horey ayaa laga qaatay iyadoo kuwii kale ay taagan yihiin labo maalmood gudohood ayuu ku dhamaaday kaluunkii intaasoo tan ahaa”
Warshadu waxaa sidoo kale lagu habeeyaa kalluunka la jarjaray ee loo diyaariyay in la dubo ama la kariyo, kaasi oo loo iibgeeyo suuqayada magaalooyinka kale ee Soomaaliya.
Haddii sidan oo kale la kordhiyo warshadaha yar yar ee lagu kaydiyo kalluunka, waxa la rumeysanyahay in inkabadan inta tan ee hadda la dhoofiyay in loo iibgayn lahaa suuqyada gobolka, taasoo dhaqaalaha waxbadan ku soo kordhin lahayd.