Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Ganacsatada Muqdisho imisa Canshuur ayey bixinayaan..? [Dowladda, Alshabaab & Daacish]

    Ganacsatada Muqdisho imisa Canshuur ayey bixinayaan..? [Dowladda, Alshabaab & Daacish]

    November 23, 2018Updated:December 5, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda Daacish ayaa sii kordhisay dagaalkeeda dhaqaale doonka ah ee magaalada Muqdisho iyadoo si gaara u beegsaneysa Shirkadaha waaweyn ee dalka, sida kuwa isgaarsiinta iyo xawaaladaha ee caasimadda.

    Daacish oo Koonfurta Soomaaliya dhibaato weyn ka heysatay howlgalkeeda Muqdisho oo ay hortaagneyd Alshabaab ayaa Bilihii ugu danbeeyay sii xoojiyay falalka dilalka khaarijinta ah ee ay kula kaceyso ciidamada dowladda, waxayna markii danbe u wareegtay shaqaalaha shirkadaha Isgaarsiinta iyo xawaaladaha.

    Ololihii ugu horeeyay ee Daacish wuxuu saameeyay shirkadda Amal oo ay dableyd ka tirsan kooxdani ay si xun u dhaawaceen mid ka mida madaxdeedka Qeybta Muqdisho, dhowr jeerna qaraxyo aan xoog lahayn ka rideen xaruntooda Muqdisho.

    Arrintan waxay keentay cabsi u gaara shirkadda iyo shaqaalaheeda Muqdisho oo qarka u saarmay inay howsha joojiyaan, laakiin waxaa markii dambe arrinta laga xaliyey xarunta Daacish ee Gobolka Bari, markii madaxda shirkaddaasi ay arrinta dhex galeen, lagana yaabo in dhaqaale lagu furdaamiyey.

    Maalmo kadib Daacish waxay ololaheeda u wareejisay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, iyadoo beegsaneysa shaqaalaha shirkaddaasi heer waliba oo ay yihiin, waxaana wararku sheegayaan in ilaa 11 shaqaale oo ka tirsan shaqaalaha shirkadda ay toogasho ku dileen Daacish, iyadoo ujeedkoodu yahay inay ku qasbaan lacago baad ah oo la siiyo.

    Waxaa cad in arrintan ay saameyn ku yeelan doonto shirkadaha kale dhammaantood, inkastoo dhexdooda ay caddow isku yihiin, waxayna u dhaxeeyaan ilaa saddex awoodood oo mid waliba dhaqaale ka dooneysa.

    Kooxda Alshabaab oo hore u xakameysay awoodda Daacish ee Koonfurta Soomaaliya ayaa hadda u muuqata inay ku fashilantay ama iska fiirsaneyso dhaqdhaqaaqa xoogga leh ee Daacish ka wado magaalada Muqdisho. Alshabaab lafteeda ayaa qaab la mida kan ay hadda adeegsaneyso Daacish ku hirgelisay canshuurta ay ka qaado Ganacsatadda Muqdisho iyo K/Soomaaliya.

    Dowladda Soomaaliya oo ah tan sharci ahaanta loogu leeyahay inay difaacdo ganacstada ay kooxahan ugaarsanayaan ayaa xisaabtana ku jirin waxayna sirdoon ahaan iyo awood ahaanba ay ku fashilantay inay ka hortagto is-balaarinta Daacish ee Muqdisho, iyadoo canshuurta ay ka qaadato ganacsatadan aan wax bedel ah siin karin inay amnigooda ku sugto.

     

    Canshuur Daacish Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQaraxyo ka dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho & Qasaare ka dhashay
    Next Article Hanti dhowrka oo jawaab ka bixiyey Warbixintii Guddiga Barlamanka ee musuqa Dowladda [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo