Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Ganacsatada Muqdisho oo joojiyey Adeegsiga Dekadda Muqdisho & Bayaan ay soo saareen [Akhriso]

    Ganacsatada Muqdisho oo joojiyey Adeegsiga Dekadda Muqdisho & Bayaan ay soo saareen [Akhriso]

    February 11, 2018Updated:February 11, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey inay joojiyeen adeegsiga dekadda weyn ee Muqdisho, kadib cashuur dheeraad ah oo lagu soo rogay.

    Kulan maanta yeesheen Ganacsatada gobolka Banaadir ayay ku doodeen in canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay ganacsatadooda gobolka oo kaliya aysan aqbali karin, balse ay raali ka yihiin haddii guud ahaan ganacsatada dalka si isku mid ah canshuurta loogu kordhiyo.

    Ganacsatada G/banaadir ayaa ugu baaqday Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya inay soo fara geliyaan canshuur kordhinta lagu sameeyay ganacsatada gobolka Banaadir.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED

    Ujeeddo: Warsaxaafadeed ka soo baxay Ganacsatada G/Banaadir.

    Annaga oo ah Ganacsatada Gobolka Banaadir waxaan Cabasho ka qabnaa Canshuuraha xad dhaafka ah ee sida gaarka ah dusha looga saaray Ganacsatada Gobolka Banaadir taas oo sababtay in ganacsatadu ay ku khasaaraan Badeecooyinka ay ka soo dejiyeen Dekeda Muqdisho..

    Asbaabta Cabashadeena oo faah faahsan.

    Dekeda Muqdisho waxa ay ka qarash iyo Canshuur badan tahay Dekedaha kale ee ka jira Soomaaliya inteeda kale taas oo sababtay in Ganacsatada Muqdisho ay ku khasaaraan Badeecada ay ka soo dejiyaan Deskeda Muqdisho maadaama ayna la tartami karin Badeecadaha kale laga soo dejiyo Dekedaha kale wadanka oo laga qaado Canshuur ka yar tan laga qaado Ganacsatada Muqdisho.

    Waxaan xusuusineynaa madaxda Dowlada in Ganacsatada Gobolka Banaadir ay tahay ganacsatada ugu Canshuur bixin badan Dalka Soomaaliya oo dhan ayna si gaar ah isga xilsaareen dhismaha Wadooyinka Muqdisho iyo arimaha la xariira gurmadka iyo taakuleynta dadka nugul ee dhibaatadu ka soo gaartay Abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee wadanka kajira.

    Waxaan ka codsaneynaa wasaaradda maaliyadda in canshuuraha xad dhaafka ee sida gaarka dusha looga saaray ganacsatada Gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameeyso maadaama ay shirkada waaweyn oo ganacsi ay kaceen ayada oo ay isku biirsatay Duruufaha dhaqaala xumada ee wadanka kajira iyo canshuuraha xad dhaafka ee Dekeda Muqdisho looga qaado iyo Canshuuraadka kale ee hada dusha laga saaray ganacsatada Muqdisho.

    Waxaan ugu baaqeynaa wasaaradda maaliyada in ay si ku mid ah oo loo wada siman yahay uga qaado Canshuuraha dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed lagana daayo Ganacsatada Gobolka Banaadir Culeyska Canshuureed ee sida gaarka ah loogu haayo.

    Ugu dabeyntii waxaan ka codsaneynaa Madaxda Dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, in ay soo faragiliyaan arintaan waxna laga qabto dhibaatada haysatada Ganacsatada Gobolka Banaadir.
    Waxaan rajeynaa in aad naga aqbali doontaan codsigeynga ,waxna ka qaban doontaan dhibaatada haysata Ganacsatada Gobolka Banaadir.

    WABILAAHI — TOWFIIQ

    Dekadda Dekadda Muqdisho Ganacsatada Muqdisho Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHotelkii Ritz-Carlton ee Xasbiga looga dhigay Amiirada & Maalqabeenada Sacuudiga oo dib loo furay [Sawirro]
    Next Article Somaaliya oo ka qeyb galeysa Shirka Afrika iyo Turkiga ee Magaalada Istabuul [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo