Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee ee Soomaaliya ayaa Maanta lasoo taagay Ganacsato ku eedeysan inay dalka keeni jireen Kiimikada iyo Agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa, ayna u gudbin jireen Alshabaab.
Ganacsatadan ayaa gaaraya 7, waxaana maxkamadda ka maqnaa laba ka mida, iyadoo magacyadooda kala yihiin:
1- Cabdisalaan Cali Faarax
2- Khadar Cabdisalaan Maxamed
3- Maxamed Cabdi Sheekh Cumar
4- Daahir Cusmaan Maxamed
5- Cabdisalaan Cusmaan Maxamed
iyo laba eedeysane oo maqane baxsad ahaa.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada kusoo eedeeyay inay dekadda Muqdisho kasoo dejin jireen, maadooyin kala duwan oo laga sameeyo qaraxyada, Jaakada Qaraxyada, Computero iyo Agab Ciidan, iyagoo fursad ugu helay inay Ganacsato yihiin.
Maxkamadda ayaa la hor keenay muuqaallo tijaabooyin lagu sameynayo maadooyinka Kiimikada ah ee holaca sameeya, wadahadal dhex maraya iyo caddeyno kale, waxaana Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamada Ciidamada qalabka sida Dhamme Muumin Xuseen C/llaahi uu sheegay in Agabyo fara badan oo ay dalka ay keeneen Raggaan loo adeegsaday qaraxyo lagu fuliyay Muqdisho oo dad badan qaarkoodma ay mas’uuliyiin yihiin ay ku dhinteen.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo fadhiga Maxkamadda soo xiray ayaa shaaciyeyy in dhageysiga kiiskan lasoo gabagabeeyay, isla markaana Maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.
