Wararka laga helaayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Maamulka Somaliland ay xabsiga dhigeen dad lagu soo eedeeyay inay k ganacsanayeen xayawaanka Diin-ka.
Dada loo xiray arrintan ayaa gaaraya 9 qof oo la shgeegay inay ka ganacsanayeen xeywaanka Diinka. Diinka xayawaan aad u tabar darran oo rabbaayad ahaan loo heysto, isla markaana aan lahayn awood uu ku baxsado ayaa muddooyinkii danbe la sheegay inuu suuq yeeshay iyadoo Somaliland ka mid tahay goobaha sida weyn looga ugaarsado.
Wasiirka wasaarada deegaanka ee Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil ayaa sheegtay inay soo badbaadiyeen 6 Diin oo hadda lagu xanaanaynayo gudaha wasaaradda deegaanka ee Somaliland.