Wararka laga helayo magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in gebi ahaan ganacsigii magaaladaasi la xiray.
Arrintan ayaa ka dhalatay is garanwaa u dhaxeeya Ganacsatada Puntland iyo maamulka Puntland oo ku saabsan canshuur lagu soo rogay ganacsatada magaalada, tasoo keentay in dib u bilaabato xaaladii is-mari waaga ahayd iyadoo magaalada Boosaaso ay maanta ahayd mid aanu wax ganacsi ah iyo dhaqdhaqaaq ka socon.
Waxaa gebi ahaan shaqadii joojiyey shirkadaha waaweyn iyo ganacsiga kale ee yaryar. Maamulka Puntland ayaa arrintaas uga jawaabay ciidamo fara badan oo la geeyay magaalada oo dhan, iyadoo laga cabsi qabo inay bannaanbaxyo ka dhacaan magaalad Boosaaso.
Warrka ayaa sheegaya u Maraakiibta iyo Doomihii ku xirnaa dekadda Boosaaso ay ka furteen dekadda Boosaaso iyagoo ka fogaaday dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, waxayna arrintan saameyn ku yeelatay Shirkadda Imaaraadka ee P&O PORT oo la wareegtay maamulka Dekeda Boosaaso.