Guddi ay leeyihiin Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey inuu fashilmay wadahadalkii u dhaxeeyay Guddigooda iyo Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.
War ay maanta soo saareen ayay Guddigan sheegeen in wadahadalka labada dhinac uu socon waayey, kadib markii ay ku eedeeyeen Wasaaradda maaliyadda inay diiday wixii xal ahaa ee laga gaari lahaa arrintan, ayna joojisay wadahadalka.
Ganacsatada ayaa ku baaqay inay arrinta soo dhex galaan madaxa sare ee dowladda sida Madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha labada aqal.
Guddiga ganacsatada ayaa ku doodaya inaysan diidaneyn bixinta canshuurta balse aysan diyaar u ahayn inay canshuurta iibka ku bixiyaan Dekadda iyo Garoonka Muqdisho.