Xarunta Cilmi-baarista iyo Horumarinta Dayaxgacmeedyada ee Mareykanka ayaa sheegtay in gantaal ay Shiinaha toddobaadkii hore hawada sare u dirtay balse soo fara-baxsaday la filayo inuu caawa ama aroorta Axadda berri ah inuu ku soo dhaco dhulka.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa Jimcihii shalay sheegtay in inta badan burburka gantaalka ay guban doonaan marka uu hawada dhulka soo gaaro, islamarkaana ay u badan tahay in uusan sababi doonin wax khasaaro ah.
Millatariga Mareykanka ayaa sheegay in la xakameyn waayay gantaalkaasi soo fakaday, aadna ay ula socdaan halka uu soo marayo.
Waaxda Cirbixinta Mareykanka ayaa sheegtay in gantaalkaan ay u badan tahay in uu ku dhaco meel u dhaw Jasiiradda Waqooyi ee dalka New Zealand, laakin waxa ay ka digtay suurtagalnimada in gantaalka u uku habsan karo meel kale oo dunida ka mid ah.
Gantaalkan oo hawada sare heehaabaya ayaa isu maray qaarado iyo dalal badan, waxaana mar waliba oo uu hawada dhulka kusoo dhowaado lasii ogaanaya meelaha la filayo inuu kusoo dhaco.
Calaamadaha gaduudan iyo kuwa cagaaran waxay muujinayaan meelaha uu ku dhici karo gantaalka, waxaana ku jirta meelahaas Soomaaliya, inkastoo saacad kasta oo socota ay isbedeli karto, waxaana sida muqata xilligan la filayaa inuu ku dhaco xeebaha Tanzania iyo Mozambique.
