Dhinacyada Maamulka Galmudug ee kala fadhiya magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa isku khilaafay habraaca doorashada maamul Goboleedyada ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Somalia. [Akhriso]
Garabka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa ka hor yimid habraaca, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Burhaan Maxamed Samatar uu sheegay inaan lagala tashan qoraalka kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Somaliya ee ku saabsan doorashooyinka oo aysan quseynin.
Dhinaca kale Garabka Galmudug ee Cadaado ayaa taageeray war-saxaafadeedka xukuumaddaa; sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir Ddoorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa dhici doonta 4-ta July ee Sanadkan 2019.
Khilaafka madaxda maamulka Galmudug ayaa ka mid ahaa sababihii ugu waaweynaa ee keenay inuu fashilmo shirkii madaxda dowaldda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ee horaantii bishan ka dhacay magaalada Garowe.