Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay deeq raashin ah oo ka timid dowladda Turkiga oo loogu talagalay in la gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan.
Waxaana deeqdaasi lagu wareejiyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Deeqdaan oo la dhigay bakhaaro loogu talagalay ayaa waxaa la filayaa in la gaarsiiyo dadka abaaraha ku danbeeyaan.
Wasiir ku-xigeenka wasaarada gargaarka Cilmi Cumar Caynsane ayaa sheegay in raashinkan oo dhan 12500 tan kana kooban noocyo kala duwan, in loogu tala galay in loo qaybiyo dadka Soomaaliyeed kuwooda ay saameenta xoogan ku yeelatay abaarihii dalka ka dhacay,qof walbana goobtiisa lagu gaarsiin doono.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u mahad celiyay dowlada Turkiga sida ay u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed mar walbana ay la qayb sato xaaladaha adag sida abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee nolosha iyo amniga.
“Waxaa loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay dhiri galiyaan waraabka beeraha si loo abuuro noocyada kala duwan ee dalaga ka baxa dalkeena, taasoo noo sahlaysa inaan helno cunto aan anagu abuuranay ugana baxno baahida dowladaha shisheeye”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in si cadaalada loo qaybin doono raashinkan,waxuuna tilmaamay in shaqadan ay si wada jira u maamuli doonaan madaxda WasaaradaGargaarka iyo Gudiga Abaaraha Qaran.