Iyadoo ay socoto Doorashada xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Garowe lagu doortay haweeneydii ugu horeysay ee Aqalka hoose soo gasha.
Siciido Maxamed Xasan ayaa ku guuleysatay kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka federaalka, kadib markii ay ka guuleysatay labo haween oo tartanka la galay.
Siciido Maxamed ayaa heshay 43 cod, waxaana ku xigay Xaawo Cabdulaahi Maxamed oo heshay 8 cod, halka Shamsho Faarax Daahir aysan helin wax cod ah.
Siciido Maxamed Xasan ayaa ka soo jeeda Gobolka Mudug , waxayna noqotay haweeneydii ugu horeysay ee ka mid noqota xubnaha Puntland ku yeelanayso Aqalka Hoose, waxaase ku xigay.
Waxaa kaloo kursiga xildhibaanka dib ugu soo laabtay Sacdiyo Careys Ciise Kaarshe oo 31 cod uga guuleysatay Luujiyo Yuusuf Xaraare oo heshay 19 cod, waxaana maanta Garowe lagu doortay laba haween ah.
Wadani.com