Dabley hubeysan ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dishay guddoomiyihii garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Garsoorayaasha Cismaan Jaamac Dirac ayaa la sheegay inay dableyd ku hubeysan bistoolado ay toogteen kadib markii uu ka soo baxay Masjid uu salaadii cishaha ku tukaday.
Dableyda dilka geystay ayaa la sheegay inay wateen Mooto ayna baxsadeen markii ay dilka u geysteen marxuumka.
Falkan ayaa ka dhacay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in falka kadib ay goobta tageen ciidamada ammaanka.