Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Garyaqaanka Dowladda oo Dalbaday in la hakiyo Dacwadii uu qortay Fahad Yaasiin (Akhriso)

    Garyaqaanka Dowladda oo Dalbaday in la hakiyo Dacwadii uu qortay Fahad Yaasiin (Akhriso)

    April 11, 2022Updated:April 11, 20224 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Akhriso: Jawaab uu Garyaqaanka Guud ee Dowladda ka bixiyey Dacwadii Fahad Yaasiin ee Kursiga Doorashadiisa lagu celinayo

    Garyaqaanka Guud ee Dowladda ayaa ka jawaabay Dacwad uu Maxkamadda Sare u gudbiyey Ła-taliye Fahad Yaasiin Xaajir Daahir oo ku saabsan in kursi Baarlamaan oo uu kusoo baxay laga hor istaagay.

    Qoraal uu garyaqaanka guud ee dalka Dr. Cismaan Cilmi Guuleed soo saaray, kuna socday Maxkamadda Sare ayuu ku caddeeyay in laba maalmood aan looga jawaabi karin dacwaddan oo quseysa Guddiga FEIT ee Doorashooyinka Heer Federaal, isla markaana uu xafiiska Garyqaanku u baahan yahay waqti uu ku diyaariyo kiiska marka uu la xiriiro cidda lasoo dacweeyay.

    Garyaqaanka Guud ayaa Maxkamadda Sare ka dalbaday inay sugto inta uu xafiisku kasoo xaqiijinayo kiiska dacwadda, soona baarayo cidda xaqa u leh dacwaddan marka la fiiriyo Habraaca lagu heshiiyey ee Doorashada Dadban.

    HOOS KA AKHRISO

    XAFIISKA GARYAQAANKA GUUD EE DAWLADDA
    OFFICE OF STATE ATTORNEY GENERAL
    SUMMAD: XGG/073/2022 10/04/2022

    Ku: Maxkamadda Sare ee Dalka
    Og: Guddiga Hirgalinta Doorashooyonka Dadban ee Heer Federaal Muqdisho

    Ujeeddo: Wargalin iyo Codsi Hakin Dacwo

    Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda asagoo tixraacayo Warqadda summaddeedu tahay MSIXKS/044/2022 ee 10/04/2022, kana soo baxday Kaaliyaha Maxkamadda Sare kuna saabsanayd ka soo Jawaab-celin Dacwad Maamul.

    Hadaba, Xafiska Garyaqaanka Guud ee Dowladdu asagoo gudanayo waajibaadkiisa ku xusan Qodobka 3aad ee Sharciga lambar 18 ee soo baxay 29 Jaannaayo 1976, waxaa uu ku wargalinayaa Maxkamadda Sharafta in Xafiiska Garyaqaanka Guud marka ay soo gaarto Dacwad ay dhinac ka tahay mid ka mid ah Hay’ad Dowladda, ama Guddiyada Madaxa-bannaan ay lagama maarmaan tahay in Xafiisku qaado tillaabooyinka soo socdo:

    1- In Xafiiska Garyaqaanku ku wargaliyo Hay’adda la dacwaynayo inay Maxkamadda hortaal Dacwad lid ku ah, si Xafiisku u difaacane loo baahanyahay inay si dhow ugala shaqeeyso Xafiiskan.

    2- In Xafiisku ka codsado Hay’adda in ay u soo gudbiso wixii macluumaad ah ama Caddaymo ee la xiriiro Dacwaddaas, isla markaasna ay Xafiiska Garyaqaanka Guud ka soo siiyaan Warbixin dhammaystiran si loo ilaaliyo ama loo dhoowro Danta Guud, tan Caddaalladda iyo xuquuqda muwaadinka.

    3- In Xafiiska Garyaqaanka Guud ay saldhig u tahay difaaciisa in uu ka helo ama ay Hay’addu u soo gudbiso xaaladda dhabta ah ee Dacwada Maxkamadda ka furan, si ay Maxkamaddu uga gaarto go’aan Caddaalad ah oo Sharciga waafaqsan.

    Xafiiska Garyaqaanka Guud waxaa uu Maxamadda sharafta leh si xumadi ku dheehantahay ugu wargalinayaa in ayadoo la raacayo ama la dhoowrayo habraaca Xafiisku u maro Difaaca Dacwadaha ay Hay’adaha Dowladdu dhinaca ka yihiin, in aysan suurto gal ahayn in labo maalmood gudahood uu Xafiikani ku soo gudbiyo Jawaa-celinta Dacwaddan, waayo habraaca loo baahanyahay si Xafiiska Garyaqaanku ugu soo gudbiyo jawaab-celinta laguma soo dhammaystirikaro labo maalmood.

    Sidaa darteed, Garyaqaanka Guud ee Dowladdu waxaa uu si xushmad leh Maxkamadda sharafta leh uga codsanayaa:

    1- In Maxkamaddu ka sugto Xafiiska Garyaqaanka inta uu ka soo dhammaystirayo xogaha iyo Caddaymaha looga baahanyahay jawaab-celin Dacwaddan oo ku xiran hay’adda la soo Dacweeyay.

    2- In Xafiiska Garyaqaanka Guud ballan-qaadayo inuu ku soo dhammaystiro sida dhaqsiyaha badan asagoo u gudbinayo qoraal rasmi ah Guddiga ay khusayso Dacwaddani, kuna daba-galayo inay keenaan macluumaad looga baahanyahay si looga difaaco Maxkamadda horteeda.

    3- In Xafiiska Garyaqaanka Guud hubiyo sida uu u nidaamiyay Heshiiska Golaha watashiga Qaranka ee hirgalinta Doorashada Dadban haddii uu khilaaf ka yimaado howlaha ay qabanayaan Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Heer Federaal.

    Garyaqaanka Guud ee Dowladdu waxaa uu mar labaad ka codsanayaa Maxkamadda Sharafta leh ayadoo la tixgalinayo arrimaha kor ku xusan in ay ka war-sugto inta uu Xafiiskani ka helayo guddiga xogaha lagama maarmaanka u ah difaaca iyo in hore loo sii wado dacwaddan, waxa uuna ballanqaadayaa Xafiiska Garyaqaanka inuu u soo gudbin doono Maxkamadda Sare ee Dalka Jawaab-celin dhammeystiran marka ay soo gaaraan xogaha sare ku xusan oo uu ka sugayo Guddiga.

    Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed
    Garyaqaanka Guud ee Dawlada

    Doorashada Fahad Yaasiin Garyaqaanka dowladda HOP086 Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAxmed Madoobe oo kashifay Qorshaha uu diiday ee kala Qeybsiga Xildhibaannada Gedo
    Next Article Jowhar: Musharax u taagan xilka Madaxweynaha oo kusoo baxay Kursi Xildhibaan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo