Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha maamulkaasi.
Warqad kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug oo lagu taariikheeyay 15-kii July, 2017, lagu magacaabay mudane Axmed Yuusuf Cabdulle inuu noqdo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug.
Mas’uulka cuusb ayaa muddo 6 bilood ah si kumeelgaar ah usii heyn doona xilkaan, inta laga qabanaayo doorashada gudoomiyaha Rugta ganacsiga Galmudug.
Axmed Yuusuf ayaa sanadkii horey u tartamay xildhibaanka beesha Saruur, waxaan hal cod kaga guuleystay Xildhibaan Warsame Joodax, wuxuuna soo noqday gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda SIMAD.