Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Gen. Bashiir Goobe: Ma wuxuu eersaday Waxqabadkiisii…? [Khaladkii Farmaajo]

    Gen. Bashiir Goobe: Ma wuxuu eersaday Waxqabadkiisii…? [Khaladkii Farmaajo]

    April 7, 2017Updated:February 20, 20182 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xil qaadistii jumlada ahayd ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku dhawaaqay shalay ka sokow sharcinimadeeda iyo dariiqa loo maray waxaa markiiba la arki karaa inay lahayd astaamo degdeg ah oo aan loo meel dayin.

    Inta badan saraakiisha la magacaabay waa kuwo hore xilalka u soo qabtay oo aan horumar badan lagu ogeyn, qaarkoodna ku caan baxay ku takri fal awoodeed iyo caajisnimo, lamana oga sababta looga door biday kuwii xilka hayay ee shaqadooda ku filnaa.

    Waxay noqotay caadi in madaxweyne kasta isbedel sameeyo oo saraakiisha oo xilka ugu yimid wada xaaqo isagoo aan eegin waxqabad, laakiin micnaha ugu weyni yahay inuu adeegsado awooddiisa xil ka qaadis iyo la imaanshaha wejiyo cusub oo uu isagu keensaday.

    Mas’uulka aan dooneyno inaan qormadan ku iftiimino waa taliyihii ciidamada asluuubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac, kaasoo intii uu xilka hayay muujiyay karti iyo shaqo la wada arkay isla markaana isbedel ku sameeyay xaaladda xabsiga dhexe ee sanad waliba Daacuun-calooleedka  ka dillaaci jiray.

    Gen. Bashiir wuxuu mudnaa in lagu dalacsiiyo shaqadiisa, wuxuuna umadda tusay in xil lagu aamini karo, sidaasoo ay tahayna waxaa loogu abaal guday xil ka qaadis aan loo meel dayin oo xitaa loo quuri waayay in lagu wargeliyo.

    Madaxweyne Farmaajo ma moogeyn horumarka ciidamada Asluubta iyo xabsiga Dhexe uu ka sameeyay Gen. Bashiir Goobe, waxayna ka mid ahayd meelihii ugu horeeyay ee uu booqday, laakiin waxaad moodaa in Madaxtooyada Soomaaliya uu yaallo sixir qofkii kursigeeda  kufariista ka dhigaya mid u shaqeeya si ka horjeeda danaha dalka iyo dadka.

    Mas’uulka cusub ee xilkan loo magcaabay waa shaqsi isla xilkan hore u soo qabtay oo xilligii uu joogay xabssigu ahaa meel maxaabiista la isaga kala gudbiyo, waxayna u muuqataa in qof waliba oo dalkan soo jilaafeeyay la abaal marinayo, kii daacada ahaana la ciqaabayo.

    Gen. Bashiir Goobe wuxuu u muuqda mas’uul eersaday waxqabadkiisi, waxaanse leenahay umadda Soomaaliyeed ayaa kuu og wixii aad u qabatay, kuguna abaal marin doonta. Waa la gaari doonaan dal waxqabadka la isku qiimeeyo oo wadaniyiinta la tixgeliyo. “Ninkii Timir beeriyo, kii Tiin Tallaalayba, Taariikhdu way qori..”

    W/Q: Xasan Macallin [Wadani.com]

    Bashiir Goobe Bashiir Maxamed Jaamac Farmaajo Taliyaha Asluubta Xil ka qaadistii
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaare ku xigeenka & Wasiiro Garoonka Muqdisho u tegay la-kulanka Sarkaal Mareykan ah [Sawirro]
    Next Article Madaxweyne Farmaajo oo xaflad raaligelin ah u sameynaya taliyeyaashii uu xilka ka qaaday [Sababta]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo