Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Go’aanka Dowladda Somaliya ku xirtay Qunsuliyadihii Itoobiya ee Hargeysa iyo Garowe (Akhriso)

    Go’aanka Dowladda Somaliya ku xirtay Qunsuliyadihii Itoobiya ee Hargeysa iyo Garowe (Akhriso)

    April 4, 2024Updated:April 4, 20242 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in muddo toddobaad ah ay dowladda Itoobiya ku xirto Qunsuliyadaheeda magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe, waxaana sidoo kale safiirkii Itoobiya lagu amray inuu dalkiisa ku laabto.

    Go’aankan ayaa maanta kasoo baxay Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka, waana kii ugu adkaa ee ilaa hadda ay qaadato dowladda Somaliya, kadib markii uu si weyn u xumaadya xiriirka labada dal.

    Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya:

    Markii ay arkeen: Qodobada 99aad xarfihiisa (a) iyo (f) iyo Qodobka 54aad xarfihiisa (a), (b) iyo (c) ee Dastuurka dalka;

    Markii ay arkeen: Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 12aad oo xeerinaya in dowladda soo dirsatay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah aysan xafiisyo ka furan karin meel ka baxsan meesha uu madaxa ergadu uu ka howlgalo, haddii aan oggolaansho cad laga helin dowladda martida loo yahay;

    Markii ay arkeen: Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 41aad faqradiisa 3aad oo xeerinaysa in xarumaha diblomaasiyadeed aan loo isticmaali karin ujeeddooyin ka baxsan shaqada uu sharcigu u oggol yahay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah;

    Markii ay garowsadeen: In faragelinta qaawan ee Dowladda Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xadgudub ku tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya;

    Waxa ay soo saareen qodobbada soo socda:

    QODOBKA 1AAD

    XIRITAANKA QUNSULIYADAHA ITOOBIYA

    1. Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.

    2. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.

    QODOBKA 2AAD

    XADGUDUBYADA

    1. Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.

    QODOBKA 3AAD

    DHAQANGALKA

    1. Wasaarada arrimaha dibedda waxaa la farayaa in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.

    2. Qaraarkaan waxa uu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna saxiixo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    Garowe Hargeysa Qunsuliyad Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Somaliya oo ceyrisay Safiirkii Itoobiya iyo Amar lagu xiray Qunsuliyadihii Garowe iyo..
    Next Article Siciid Deni: “Puntland iyo Dowladda Ethiopia waxaa ka dhexeeya xiriir iyo iskaashi qoto-dheer”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo