Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa qeylo dhaan kasoo saaray qorshe ay sheegeen inay Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre lagu wareejinayo dad gaara iyo shirkado doonaya inay dib u dhisaan oo kadib ay maamulaan.
Gudoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub) ayaa sheegay in ujeedada Tiyaatarka loogu wareejinayo dad gaara ay tahay in la xayirto indhihii Somaaliyeed, “Dad baa doonaya inay dhisaan oo weligood saami ku yeeshaan, Tiyaatarka dowlad baa leh, dowladdana waa dhisi kartaa…., Ma dhacdeen in qof kaliya oo tartan gelin uu dhiso iyadaa ka danbeysa dowladda..” ayuu yiri Abwaan Sangub.
Arrintan ayaa ka mida buub ba’an oo lagu hayo hantida qaranka oo shirkado iyo shaqsiyaad gaara lagu wareejiyo.
DHAGEYSO CODKA ABWAAB SANGUB
Wadani.com