Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa xalay isku raacay qaraarkii ugu horeeyay ee ku saabsan xaaladda dalka Suuriya, kadib wadahadallo dhex maray dalalka saameyta ku leh xaalada Suuriya oo dhan.
Qaraarka Golaha Ammaanka ayaa caddeynaya jid loo marayo qorshe nabadeed oo dalkaasi laga hirgelinayo, iyadoo 15-ka dal ee Golaha ammaanka ay u codeeyeen Qaraarkan oo caddeynaya in shacabka Suuriya uu yahay kan go’aaminaya mustaqbalka dalkaasi, waxaa kaloo go’aanku sheegayaa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada lagu qaadayo dadka rayidka ah.
Qaraarka Golaha ammaanka ayaa sidoo kale ka hadlaya wadahadallo u furmaya kooxaha mucaaradka iyo dowladda Suuriya oo bilaaban doona horaanta bisha Janaayo ee sanadka cusub.
Inkastoo la isku khilaafsan yahay mustaqbalka madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad, haddana waa markii ugu horeeyay golaha ammaanka isku aragti ka noqdo go;aan laga gaarayo xaaladda dalka Suuriya.
Wadani.com