Golaha Amaanka Q/Midoobay ayaa kulan uu xalay ka yeeshay arrimaha Soomaaliya wuxuu ka soo saaray qaraar waqti dheeraad ah loogu kordhinay ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.
Qaraarka waxaa wadajir ugu codeeyay guud ahaan 15 dal e xubnaha ka ah Golaha Ammaanka iyadoo Xoghayaha guud ee Q/Midoobay uu golaha u sheegay inaan weli Soomaaliya la geyn karin ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.
Waqtiga loo kordhiyay Howlgalka UNSOM ee Soomaaliya ay 10 bilood iyadoo hadda howlgalkoodu ku eg yahay dhamaadka bisha May 30 sanadka 2016-ka.
Qaramada Midoobay ayaa muddo dhowr sano ah ka warwareegeysa inay ciidamo ka socda Soomaaliya u soo diro si ay u bedelaan kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga, waxaana kaliya oo Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho jooga 200 askari oo magaca UN-ka ku howlgala oo qaabilsan ilaalada xarunta UN-ka ee Muqdisho.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]